• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, October 13, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala “Xalka Al-Shabaab waa in la dilo”

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta
Share

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), ayaa sheegay inaysan xal kale u haynin maleeshiyada Al-Shabaab, aan ka ahayn waddada ay iyagu doorteen ee ah in la dilo.

Wasiir Kuxigeenka ayaa xusay in dalku uu ka socdo hawlgal ka dhan ah maleeshiyadaasi, kaasoo sida uu sheegay dhul iyo cirba lagu la dagaalamayo Khawaarijta.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa, annagoo Allah (SWT) kaashanayno in dalkan cadowgaasi diinta, dadka iyo dalkaba halista ku ah aan ka saarno,” ayuu yiri, isagoo xusay inay ku faraxsan yihiin sida uu hawlgalku u socdo.

“Illaa iyo hadda waxaan runtii ku faraxsanahay in hawlgaladaas aan fulinay, sidii loogu talagalay inay u dhaceen,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

“Shabaab waa cadow, xalka waa in la dilo”

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay cadow yihiin, xalkuna uu yahay in la dilo oo keliya.

“Shabaab waa cadow, xalka aan u hayno oo keliya ay iyagu doorteen waa in la dilo,” ayuu yiri Alcadaala.

Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso, sidii hawlgalka socdo ee cir iyo dhulba leh aysan waxyeelo uga soo gaari lahayn dadka rayidka ah.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta oo Baaq uu u diray shacabka

Alcadaala ayaa ku celiyay baaqii Golaha Wasiirada ee ku saabsanaa inay shacabku ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, bacdamaa ay bartilmaameed yihiin.

“Haddana waan ugu celinaynaa inay ka fogaadaan meelaha ay ku dhuumanayaan dembiileyaasha Khawaarijta, inaanan lala macaamilin, inaanan guryo laga kireynin iyo in meeshii ay yimaadaan laga durko oo laga fogaado,” ayuu yiri Alcadaala.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala ayaa ku waramay in shacabka Soomaaliyeed iyo Al-Shabaab ay maanta kala soocmeen, isla markaana ay shacabku go’aansadeen inay la dagaalamaan maleeshiyadaasi.

“Waxaan ognahay in dadka Soomaaliyeed iyo Khawaarijtu ay maanta kala soocmeen, furimaha dagaalkana ciidamada waxaa uga horreya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo iyagu goostay inay in ay la dagaalamaan. Marka iskuma dhex jiri karno annaga iyo Khawaarij,” ayuu yiri Alcadaala.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Alcadaalawararka mantawararka somalia
Previous Post

Caasimadda Daraawiishta ee Laascaanood Sawiro Quruxbadan Caawa laga qaaday iyo Udiyaargarowga Ciida

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

Shabaab

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha + Faahfaahin

Recommended

Xamze Cabdi

RW Xamze Cabdi Kooxda AS waxay ku laabteen meelo badan oo horay looga saaray ka dib?

3 months ago
NISA

Taliyaha NISA oo Moqokori Kula Kulmay Saraakiisha Ciidanka

5 months ago
Dalmar Cadow

DAAWO, Waxan ahay MUSHARAX! Dalmar Cadow Gudomiyaha Naafada degmada Dharkeynley?

5 months ago
Mareykanka iyo Ciraaq ku guuleysteen dilka

Mareykanka iyo Ciraaq ku guuleysteen dilka Masuul Sare oo ka Tirsan Daacish + Magaciisa?

7 months ago
Beledxaawo

Beledxaawo: Dagaal cusub oo maanta ka qarxay xerada UK

3 months ago
Df Somaia

Maxay DF ka-tiri Bayaanki kasoo baxay shirki Mucaaradka

4 months ago
Gobolka Banaadir

Gobolka Banaadir Muddo Kordhin Lagu Sameeyay is Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.