• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shabellaha Hoose, Waxa manta qarax lagu dilay Taliye Jareere iyo Wararkii ugu Dambeeyay Manta

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Gobalka Shabellaha Hoose
Share

Gobalka Shabellaha Hoose

Wararka laga helay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saaka weerar culus ku qaadteen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daray in qaraxyo xoogan laga maqlay deegaannadaasi, ka hor inta aysan maleeshiyada weerar toos ah ku qaadin Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Subax ay xabaddu is qabsatay deegaannadaasi oo hoostaga Degmada Afgooye, welina uu dagaalku socdo.

Ciidanka Guutada 14-ka October oo lagu xoojiyay tiro ka mid ah Kumaandooska Gorgor ayaa degan Sabiid, waxayna iyaga iyo kuwa kale ee ku sugan Caanoole ay sameynayaan iska caabin ay dib isaga riixayaan colkaasi soo hujuumay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaad kale oo Al-Shabaab ka tirsan ay jidka u galeen ciidan gurmad ahaa oo ka yimid dhinaca Degmada Awdheegle.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in qarax lagu aasay waddada dhinaceeda uu qabsaday gaari Cabdi Bile ahaa, oo ay la socdeen ciidan uu hoggaaminayay Kabtan Maxamed Nuur (Jareere), Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee Guutada 14-ka October.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in Abaanduulaha iyo dhowr askari oo kale ay ku dhinteen qaraxaasi.\

Xaaladda deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobalka Shabellaha Hoose,

Xaaladda Sabiid iyo Caanoole ee Gobalka Shabellaha Hoose, ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoo welina ay xabaddu ka socoto.

Al-Shabaab waxay sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Sabiid, balse ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadooda.

Dadka deegaanka ayaa ku sheegay in dagaalka saaka ka socda Sabiid uu ka culus yahay midkii 1-dii bishii May ee sanadkii 2024 ka dhacay deegaankaasi, markaas oo Al-Shabaab ay weerareen.

Ujeeddada Al-Shabaab iyo dardargelinta dagaalka

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay Dowladda Federaalka aag dagaal kaga furaan Gobolka Shabellaha Hoose, si ay isaga qafiifiyaan cadaadiska militari ee ka haysto Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ahmiyad gaar ah siinaya hawlgalka Hirshabelle, ayaa waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socdo uu dib ugu laabto jiidaha hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay fiidkii ku laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib safar uu Talaadadii ku tegay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu gaaro Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.