• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Wasiir Fiqi oo ciidamada xoogga faray inay galaan heegan buuxa

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Wasiir Fiqi oo ciidamada xoogga faray inay galaan heegan buuxa
Share

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan xarumaha tababarka ee gobolka Shabeellada Dhexe faray inay galaan heegan buuxa, iyadoo dowladda ay dardargelinayso diyaarinta howlgallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ciidamada ku booriyay inay sare u qaadaan diyaar-garowgooda iyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxda, isagoo sheegay in loo baahan yahay guluf mideysan oo lagu soo afjarayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Fiqi ayaa hadalkan jeediyay intii uu booqasho ku tagay degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Kumaandooska Gorgor ee ka qeyb qaadanaya qorshaha howlgalka cusub.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, dowladda ayaa wadda abaabulkii ugu dambeeyay ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la diyaarinayo ciidamo loo qorsheeyay inay howlgallo ka fuliyaan deegaanno ka tirsan Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa ciidamada ku ammaanay doorkooda difaaca iyo howlgalada ay ka wadaan furimaha dagaalka, wuxuuna caddeeyay in dowladda ay sii kordhin doonto taageerada la siinayo ciidamada si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ciidamada la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada kooxda, isagoo sheegay in iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga uu muhiim u yahay guusha howlgalada.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ciidamada ay guulo ka gaareen joojinta ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, isagoo xusay in howlgaladii ugu dambeeyay lagu qabtay xoolo ay kooxda ka qaadday shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay u adeegsan jirtay maalgelinta howlaheeda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.