• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah….

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah….
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay bilaabi doonto guluf dagaal oo cusub oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, isaga oo xusay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa khatarta ay kooxda ku hayso amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu jeediyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida, shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay sii xoojin doonaan howlgallada ka socda deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda, isla markaana la xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in qorshaha cusub uu ka koobnaan doono tallaabooyin ciidan iyo kuwo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay doonayso in la xaqiijiyo amni waara, dib loo furo waddooyinka xiran iyo in bulshada loo abuuro fursado nololeed oo wanaagsan, si loo taageero dadaallada xasilinta iyo horumarka dalka.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada qaranka, isla markaana ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu sugayo nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay wadday howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo taageero dhinaca amniga iyo sirdoonka ah ka heleysa dalal iyo hay’ado caalami ah oo ka qeyb qaata dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.