Wararka24: 30-01-2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan si rasmi ah u magacowday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib isbeddel lagu sameeyay hoggaanka sare ee milatariga.
Taliyaha cusub, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud, waa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kana soo shaqeeyay xilal kala duwan oo hoggaamineed iyo farsamo. Waxa uu leeyahay khibrad ciidan oo gaaraysa ku dhowaad 18 sano, taas oo ka dhigtay mid si weyn u yaqaan nidaamka iyo howlgalka ciidanka.
Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa horey u soo noqday Taliyaha Hoggaanka Taageerada Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (General Support Command), hoggaan mas’uul ka ah sahayda, agabka difaaca, iyo joogtaynta awoodda howlgal ee ciidanka. Xilkan muhiimka ah ayaa loo magacaabay bishii Juunyo ee sanadkii 2024, kaddib wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu xilkaas hayay, Taliyaha cusub waxa uu door muuqda ka qaatay hagaajinta hab-maamulka sahayda militariga, nidaaminta gaadiidka ciidanka, iyo hubinta in ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ay helaan taageero farsamo iyo mid qalab oo joogto ah.
Sidoo kale, waxa uu si dhow ula socday xaaladda ciidamada ka howlgala gobollada dalka, gaar ahaan kuwa ku jira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isaga oo xooga saaray isku xirnaanta howlgalka iyo taageerada farsamo.
Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa hadda si rasmi ah xilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugala wareegaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, xilli dalka uu wajahayo xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana ay socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha hubeysan.


















