Wararka24: 16-02-2026; Dowladda Turkiga ayaa maanta u dirtay xeebaha Soomaaliya markabka qodista badda-dheer ee Cagri Bey, kaas oo noqonaya hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin shidaal iyo gaas oo Ankara ka fuliso meel ka baxsan xuduudaheeda badeed, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar.
Wasiirku wuxuu sheegay in markabku billaabi doono qodista ceelka Curad-1 ee xeebaha Soomaaliya bisha Abriil, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ka tarjumaysa ballaarinta dadaallada Turkiga ee sahminta kheyraadka tamarta.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, oo ka qeyb galay munaasabadda sagootinta markabka ee ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay marxalad ay ka faa’iideysan karto kheyraadkeeda badda, isla markaana mashruucan uu yahay rajo iyo mustaqbal u ifaya dalka.
Markabka Cagri Bey, oo dhowaan ku biiray raxanta maraakiibta qodista Turkiga, ayaa la filayaa inuu gaaro xeebaha Soomaaliya qiyaastii 45 maalmood gudahood, iyadoo ay wehlin doonaan saddex markab dagaal oo badda ah oo Turkigu leeyahay.
Turkiga ayaa hiigsanaya inuu gaaro soo saarista 500,000 foosto oo shidaal ah maalintii marka la gaaro 2028, isla markaana uu labanlaabo wax-soo-saarkaasi iyada oo loo marayo sahamin cusub iyo heshiisyo wadaag-soo-saar ah oo uu dibadda ka galo.



















