• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Tirada Xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay Dagaalkii Kudhaa Oo Kor U Dhaaftay 200.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Al-Shabaab
Share

Wararka24: 25-01-2026 Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, Xasan Nuur Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay magaalada Kudhaa iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay Jasiiradda Kudhaa iyo deegaannada ku xeeran ay kor u dhaaftay laba boqol, isagoo xusay in sidoo kale nolosha lagu qabtay sideed xubnood oo ka tirsan kooxda.

“Nimankaasi sidaad ogtihiinba weerar bay nagu soo sameeyeen, waan iska caabinay, dib ayaana u celinay. Dhimashadooda hadda waxay mareysaa 250. Weli waxyaabo kale oo la soo qaadayo way jiraan, balse inta aan xaqiijinay waa 250,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Badhaadhe, Xasan Nuur Cabdi.

Wuxuu intaas ku daray inuu indhihiisa ku arkay sideed ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Al-Shabaab looga burburiyay dagaalka ka dhacay Kudhaa iyo nawaaxigeeda.

“Runtii khasaare aysan ka soo kaban doonin ayaa halkaas kasoo gaaray Khawaarijta, mana u maleynayo inay mar kale kusoo laaban doonaan deegaannada Jubbaland,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay weli ku daba jiraan firxadka Al-Shabaab, isla markaana xaaladda Kudhaa ay haatan degan tahay, iyadoo dadkii ku barakacay dagaalka ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.