Wararka24: Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarro ay Iiraan ku beegsatay maraakiib la sheegay inay leeyihiin Mareykanka, xilli xiisadda milatari ee Bariga Dhexe ay sii kordheyso.
Warbaahinta qaar ee Mareykanka ayaa tabisay in maraakiib Mareykan ah ay la kulmeen weerarro iyo khasaare ka dhashay gantaallo ama weerarro kale oo ka dhacay aagga marinka Hormuz. Si kastaba, maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa diiday wararkaas, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sax ahayn.
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka fiirsanayo tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, oo ay ku jirto New York Times, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay faafiyeen warar uu ku sheegay “been abuur” oo ku saabsan khasaaraha Mareykanka.
Xiisadda gobolka ayaa sii xoogeysanaysa iyadoo Iiraan ay kordhisay weerarrada ay ku beegsanayso maraakiibta ay u aragto kuwo la xiriira Mareykanka iyo xulafadiisa. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay marinka Hormuz, oo ah marin-biyood muhiim u ah ganacsiga saliidda ee caalamka.
Wararka ka imanaya gobolka ayaa sidoo kale sheegaya in maraakiib badan oo ganacsi ay ku xayiran yihiin marinka Hormuz, xilli ay jirto cabsi laga qabo in xiisadda militari ay sii fido.


















