• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xogta Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka socoda Puntland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xogta Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka socoda Puntland
Share

Wararka24: Warar laga helayo deegaannada Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamulkaas, xilli uu sii xoogeysanayo muranka u dhexeeya madaxda Puntland iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Saciid Deni.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamo cusub lagu abaabulayo qaybo ka mid ah gobolka Nugaal, gaar ahaan deegaanno ku dhow Eyl. Ciidamadan ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland oo ka aragti duwan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Said Abdullahi Deni.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan shirar iyo kulamo siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Galkayo, kuwaas oo ay ka qeybgalayeen siyaasiyiin iyo waxgarad ka arrinsanaya mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah beelaha ku nool gobollada Nugaal, Mudug iyo Bari ay muujiyeen cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka. Arrimahan ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin sababaha horseeday kulamada iyo wada-tashiyada socda.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa dhawaan fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo wax u dhimi kara midnimada iyo xasilloonida Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii labada dhinac, iyadoo muddooyinkii dambe ay jireen muranno la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, weli ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya halka ay ku dambeyn doonaan dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed iyo kuwa ciidan, hase yeeshee indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa si dhow ugu jeeda xaaladda Puntland, maadaama ay door muhiim ah ku leedahay siyaasadda iyo amniga dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.