Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xogta Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka socoda Puntland

Warar laga helayo deegaannada Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamulkaas, xilli uu sii xoogeysanayo muranka u dhexeeya madaxda Puntland iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 2, 2026, 12:42 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xogta Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka socoda Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar laga helayo deegaannada Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamulkaas, xilli uu sii xoogeysanayo muranka u dhexeeya madaxda Puntland iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Saciid Deni.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamo cusub lagu abaabulayo qaybo ka mid ah gobolka Nugaal, gaar ahaan deegaanno ku dhow Eyl. Ciidamadan ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland oo ka aragti duwan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Said Abdullahi Deni.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan shirar iyo kulamo siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Galkayo, kuwaas oo ay ka qeybgalayeen siyaasiyiin iyo waxgarad ka arrinsanaya mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah beelaha ku nool gobollada Nugaal, Mudug iyo Bari ay muujiyeen cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka. Arrimahan ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin sababaha horseeday kulamada iyo wada-tashiyada socda.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa dhawaan fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo wax u dhimi kara midnimada iyo xasilloonida Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii labada dhinac, iyadoo muddooyinkii dambe ay jireen muranno la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, weli ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya halka ay ku dambeyn doonaan dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed iyo kuwa ciidan, hase yeeshee indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa si dhow ugu jeeda xaaladda Puntland, maadaama ay door muhiim ah ku leedahay siyaasadda iyo amniga dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.