Wararka24: 29-01-2026:Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa shir-guddoomiyay kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli ay Soomaaliya hayso Guddoonka Madashan.
Kulanka ayaa waxaa si rasmi ah uga qeyb-galay Wasiirrada Maaliyadda dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfur Suudaan, halka dalalka Suudaan iyo Kenya ay si fogaan-arag ah uga soo qeybgaleen. Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo ka socday hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, IGAD, UK iyo Jarmalka.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta ganacsiga tamarta gobolka, oo loo arko tiir muhiim u ah is-dhexgalka dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, xoojinta iskaashiga gobolka, iyo gaarista koboc dhaqaale oo waara.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, oo ahaa shir-guddoomiyaha kulanka, ayaa sheegay in doodaha ugu waaweyn ay ku saabsanaayeen sidii loo heli lahaa tamar (koronto) jaban oo ay awoodi karaan shacabka gobolka, iyo sidii loo heli lahaa maalgelin lagu horumariyo mashaariicda tamarta ee dalalka xubnaha ka ah Madasha.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah u soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada iyo wufuudda ka socotay dalalka xubnaha ka ah doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in martigelinta shirkan heer gobol ah ay muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamku ku qabo dalka, isaga oo xusay in hoggaaminta Madashan ay Soomaaliya u tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka Geeska Afrika.


















