Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Kayd Qaraxyo Oo Al-Shabaab Laga Helay Jabad-Godane + Sawirro.

29-01-2026:Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen kayd qaraxyo ah oo ay kooxda Al-Shabaab si…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 11:04 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 29-01-2026:Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen kayd qaraxyo ah oo ay kooxda Al-Shabaab si qarsoodi ah ugu diyaarsatay.

Howlgalka ayaa yimid kaddib xog sirdoon oo la helay, taas oo muujisay in walxo qarxa iyo miinooyin lagu keydiyay goob ku taalla duleedka Jabad-Godane. Ciidamada ayaa si taxaddar leh u baaray aagga, iyaga oo ka soo saaray miinooyin iyo walxo qarxa oo ku jiray god si qarsoodi ah loo diyaariyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagu burburinayo awoodda farsamo ee Al-Shabaab.

“Howlgalkan wuxuu ka dhashay xog sirdoon oo sugan, waxaana lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo walxo qarxa oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga deegaanka, isla markaana ay bilaabeen tallaabooyin lagu burburinayo kaydka miinooyinka si waafaqsan habraacyada amniga, si looga hortago khatar kasta oo mustaqbalka iman karta.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo dhawaan ka dhacay Jabad-Godane lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare weyn, halkaas oo kooxda laga saaray deegaanno ay horey u joogtay. Sidoo kale, maalmahan dambe waxaa laga hortagay weerarro ay kooxda ka abaabuleysay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-gallada noocan ah ay sii socon doonaan, iyadoo ujeedadu tahay sugidda amniga guud, burburinta kaydadka qaraxyada, iyo yareynta halista ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

10 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.