Wararka24: 12-02-2026Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Senator Jim Risch, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan warar sheegaya in Somaliland lagu eedeeyay fududeynta marinno saadka iyo tababarro la xiriira maleeshiyada RSF ee Suudaan.
Risch ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay eedeymo tilmaamaya in Itoobiya ay martigelineyso xero tababar oo ay maalgeliso Imaaraadka Carabta, taasoo loogu talagalay ciidamada RSF, isla markaana marinada sahayda ay mari karaan Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkaas ay sii hurin karaan colaadda Suudaan, isla markaana ay keeni karaan in Mareykanku u aqoonsado RSF urur argagixiso shisheeye (FTO), taasoo cawaaqib xun ku yeelan karta cid kasta oo si dadban u taageerta.
Hadalkan ayaa yimid kaddib warbixin ay Reuters baahisay oo ku saabsan tababarro qarsoodi ah oo la sheegay in Itoobiya lagu siiyay kumanaan dagaalyahanno RSF ah, iyadoo la tilmaamay in Imaaraadku bixiyay taageero dhaqaale. Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.
Dagaalka sokeeye ee Suudaan oo billowday Abriil 2023 ayaa sababay khasaare naf iyo barakac ballaaran, waxaana RSF lagu eedeeyay xasuuq iyo falal ka dhan ah bani’aadannimada, gaar ahaan gobolka Darfur. Mareykanka ayaa horey cunaqabateyn ugu soo rogay hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Daqalo, iyo shabakado ganacsi oo ku xiran.
Arrintan Somaliland lagu xusay ayaa xasaasi gaar ah leh, maadaama Senator Risch uu kamid yahay siyaasiyiinta ugu waaweyn ee Congress-ka ee u ololeeya xoojinta xiriirka Washington iyo Somaliland. Digniintiisa ayaa la rumeysan yahay inay caqabad ku noqon karto dadaallada Somaliland ka waddo Mareykanka, maadaama magaca Somaliland lala xiriiriyay eedeymo ku saabsan marinno sahay iyo taageero dadban oo ku aaddan colaadda Suudaan.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa marar badan iska fogeeyay eedeymo noocan ah, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.


















