Rigathi Gachagua oo ku Eedeeyay Ruto inuu Wado laami ah u Dhisayo Hotel kisa cusub.

Share

MERU — Rigathi Gachagua oo horay u ahaa ku xigeenka madaxweynaha Kenya ayaa ku eedeeyay William Ruto inuu waddo u dhisayo hudheel uu isga si shaqsi ah uleeyahay.

Gachagua oo hadda hoggaamiya xisbiga DCP ayaa ka hadlay magaalada Meru. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu halki uu wado dadka maskinta beeraleyda udhisi lahaa uu dhisayo mida hotelkisa cusub.

“Halkii uu waddo noogu dhisi lahaa si aan u gaarsiino wax soo saarka beeraha heer sare, wuxuu dhisayaa waddo uu ku tagayo hudheelkiisa,” ayuu yiri Gachagua.

Ku xigeenkii hore ayaa dadka Meru ku baaqay inay iska ilaaliyaan hudheelka. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu u malaynayo in dadku ay doqonno yihiin.

Gachagua wuxuu sidoo kale canbaareyey xildhibaanno uu sheegay inay gacan ka siiyeen xilka qaadistisi sanadki lasoo dhafay dhamadkisii. Wuxuu ku eedeeyay inaysan gobolka ay ka soo jeedaan ay wax horumar ah ka sameyn.

Mithika Linturi oo ka tirsan DCP ayaa sheegay in Meru aysan u baahnayn xildhibaannada taageeraya dawladda. “Waxaan leenahay hoggaamiyeyaal waddani ah,” ayuu yiri.

Jayne Kihara oo xildhibaan ka ah Naivasha ayaa iyaduna sheegtay in madaxweynuhu uu dhalinyarada fursadaha ka xiraayo. “Wuxuu qaadanayaa deyn faro badan, carruurta dhalan-donta mustaqbalka ayana lacagta bixin doonaan,” ayay tiri.

Rigathi Gachagua ayaa October la eryay xilkii ku xigeenka kadib mooshin kalsooni darro. Tan iyo markaas wuxaa uu ku celcelinayaa eedaymo uu u jeedinayo madaxweynaha. Booqashada Meru waxay qayb ka tahay socdaal saddex maalmood ah.

Rigathi Gachagua wuxuu isku dayayaa inuu gobolka ka helo taageero siyaasadeed. muqalka hoos ka dawo!


Share