Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray Dhuusamareeb si uu u dhammaystiro wada-hadallada Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 24, 2026, 5:02 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray Dhuusamareeb si uu u dhammaystiro wada-hadallada Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira dadaallada lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Galmudug. Xamza ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho Madaxweyne Qoor Qoor si loo dhammaystiro is-afgarad laga gaarayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii la soo dhaafay martigelinaysay wada-hadallo ay hormuud ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka, oo uu ku jiro Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadallada laga gaaray is-faham hordhac ah, isla markaana la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu door muhiim ah ka qaato dhammaystirka heshiiska. Qorshaha la isla soo qaaday ayaa la xiriira qabashada doorashooyin toos ah oo ka dhaca deegaannada Galmudug.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay. Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo shacabka ku nool magaalada.

Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale tilmaamaya in Villa Soomaaliya ay dooneyso isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Galmudug, iyadoo la hadal hayo in doorashada madaxtinimada maamulka ee la filayo bisha July ay kasoo baxaan musharraxiin la xiriira ururrada siyaasadeed ee taageersan dowladda dhexe.

Bulshada Galmudug ayaa si dhow ula socota natiijada wada-hadalladan, maadaama ay saameyn ku yeelan karaan jihada siyaasadeed ee maamulka iyo xasilloonida guud ee gobolka. Dadaallada socda ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah yareynta xiisadaha iyo helitaanka is-afgarad siyaasadeed oo waara.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

5 hours ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

7 hours ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

7 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

8 hours ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

9 hours ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

9 hours ago
Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

9 hours ago
NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

9 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.