Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Soomaaliya

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga falceliyay tallaabadii uu maanta qaaday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kadib markii uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 18, 2026, 11:15 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga falceliyay tallaabadii uu maanta qaaday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kadib markii uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda lagu guddoonsiinayay waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu kusoo dhaweeyay safiirka cusub, isaga oo ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, isagoo safiirka cusub u rajeeyay shaqo miro-dhal ah.

Arrintan ayaa si weyn uga careysiisay mucaaradka, gaar ahaan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Xoghayaha madashaasi, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa sheegay in safiirka Jabuuti looga baahnaa inuu sugo xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama mucaaradku ay ku doodayaan inuu dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha.

“Safiirka walaalaha Jabuuti waxay ahayd inuu sugo Madaxweynaha sharciga ah ee soo socda. Xasan Sheekh waa madaxweynihii hore ee dalka mana lahan awood sharci ah oo uu go’aanno masiiri ah ku gaaro wixii ka dambeeya 15-ka May,” ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho inay ixtiraamaan dastuurka iyo sharciyada dalka, gaar ahaan muranka siyaasadeed ee hadda taagan.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa in muddo xileedka dowladda federaalka uu soconayo ilaa 15-ka May 2027, iyadoo ku saleyneysa dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Kulamadan diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha uu la yeelanayo safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ayaa loo arkaa kuwo wiiqaya doodda mucaaradka, maadaama ay muujinayaan in waddamo dhowr ah ay sii wadaan xiriirka rasmiga ah ee ay la leeyihiin dowladda federaalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.