• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle
Share

Wararka24: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti City, halkaas oo uu kaga qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Djibouti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Abdoulkader Kamil Mohamed iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo muujiyay xiriirka dhow ee iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka mid ah madaxda gobolka Geeska Afrika ee lagu casuumay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Guelleh, oo markale dib loogu doortay xilka madaxtinimada.

Inta uu joogo Jabuuti, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho madaxda sare ee dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galaya munaasabadda, si looga wada hadlo arrimaha iskaashiga labada dal iyo xaaladaha gobolka.

Ismail Omar Guelleh ayaa dhawaan ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Jabuuti, isagoo helay boqolkiiba 97.8 codadka, taas oo u sahashay inuu sii hayo hoggaanka dalka markii lixaad.

Doorashadaasi ayaa waxaa qaadacay inta badan mucaaradka Jabuuti, iyadoo musharraxii la tartamayay uu helay codad aad u kooban, arrintaas oo dhalisay dood siyaasadeed gudaha dalkaasi.

Geelle oo 78 jir ah ayaa talada Jabuuti hayay muddo ku 27 sano ah, kadib markii wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka si meesha looga saaro xadka da’da musharraxiinta madaxtinimada.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.