• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah
Share

Wararka24: Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda Soomaaliya, Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya lagu siinayaa deeq maaliyadeed oo gaaraysa 30 milyan oo doolar, iyadoo tallaabadan ay muujineyso sii xoogeysiga xiriirka labada dal.

Heshiiskan ayaa yimid kadib wareegto uu saxiixay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, taas oo lagu meelmariyay ansixinta deeqdan maaliyadeed ee loogu talagalay taageerada miisaaniyadda iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska, dhaqaalahan ayaa Soomaaliya loo siin doonaa qaab bille ah, iyadoo lacagta ugu badan ee bishii la bixinayo aysan ka badnaan doonin 2.5 milyan oo doolar, si loo taageero adeegyada dowladda iyo howlaha horumarinta.

Baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale ansixiyay qorshe kale oo lagu dhisayo safaarad cusub oo Soomaaliya ku yeelan doonto magaalada Ankara, taas oo qarashkeedu lagu qiyaasay 6 milyan oo doolar.

Mudanayaasha baarlamaanka Turkiga ayaa dood dheer ka yeeshay xiriirka sii kobcaya ee Ankara iyo Muqdisho, iyagoo xusay in iskaashiga labada dhinac uu ku fidsan yahay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Turkiga ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay noqotay saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah siyaasadda Ankara ee Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo xasiloonida gobolka.

Ansixinta heshiiskan ayaa kusoo aadeysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, iyadoo Ankara ay sii xoojineyso doorkeeda taageero ee dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga gudaha Soomaaliya.

DAAWO


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.