• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo si adag u beenisay eedeymaha la xiriira dagaalka Suudaan

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo si adag u beenisay eedeymaha la xiriira dagaalka Suudaan
Share

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u beenisay wararka sheegaya in maamulkaas uu ku lug leeyahay dagaallada sokeeye ee ka socda dalka Suudaan,

kadib markii warbixinno lagu faafiyay warbaahinta qaar ay tilmaameen in garoonka Boosaaso uu saldhig u yahay duqeymaha laga fuliyo gudaha Suudaan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn dhinacyada dagaalka Suudaan, islamarkaana aanay jirin sabab sharci ama siyaasad ah oo keeni karta in lagu lug yeesho dagaal dal kale ah.

“Dowladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan ama in garoonka Boosaaso looga duulo halkaas. Puntland waxay u aragtaa Suudaan dal walaal ah oo Soomaaliya xiriir wanaagsan la leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku waddo dacaayad iyo eedeymo siyaasadeed oo aan sal lahayn, kuwaas oo lagu xagal daacinayo sumcadda iyo guulaha ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan buuraha Cal Miskaad.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Puntland ay weligeed ilaalisay deris wanaag iyo xiriir wanaagsan oo ay la leedahay wadamada gobolka, islamarkaana ay sii wadi doonto iskaashiga amni iyo nabad ku dhisan wadajir.

Eedeymahan ayaa imanaya labo maalmood kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in diyaarado ka duula garoonka Boosaaso ay u socdaan dalka Suudaan,

balse aan la caddeyn ujeeddada duulimaadyadaas. Puntland ayaa sheegtay in wararkaas yihiin kuwo “lagu qalqal gelinayo xiriirka gudaha iyo kan dibadda ee maamulka.”


Share
Tags: puntlandwararka mantawararka somalia
Previous Post

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arinta Omar Fateh.

Next Post

Daawo: Arin murugo leh: Hooyo ku umushay bannaanka Isbitaalka Banaadir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Daawo: Arin murugo leh: Hooyo ku umushay bannaanka Isbitaalka Banaadir

Daawo: Arin murugo leh: Hooyo ku umushay bannaanka Isbitaalka Banaadir

Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka DF oo qaaday tallaabo degdeg ah kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir.

Koox burcad-badeed Soomaali ah

War kasoo baxay Koox burcad-badeed Soomaali ah oo shalay markab qabsaday?

Recommended

Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

9 months ago
Daawo: Ra’iisul wasaare Xamse oo ka digay shayaadinta somalia.

Daawo: Ra’iisul wasaare Xamse oo ka digay shayaadinta somalia.

6 months ago
Soomaaliya

Soomaaliya Oo Eedaymo Culus U Jeedisay Sacuudi Carabiya! Maxa dhacay?

8 months ago
Wasiirka Arrimaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Aqoonsiga Israa’iil Ee Somaliland Ku Tilmaamay Musiibo

2 weeks ago
Puntland

Puntland oo Maxkamad Horgeysay Rag Xiriir La Leh Daacish iyo Shabaab

8 months ago
internet-ka

Internet-ka ee Soomaaliya oo ay Cilad kutimid + Sababta iyo mesha ay wax marayaan?

11 months ago
Maamulka Puntland

Maamulka Puntland oo si adag uga hadashay mowqifka SSC-Khaatumo ee ku aaddan gobolka Sanaag

8 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.