Wararka24: Ururka Olombikada Adduunka ayaa warqad rasmi ah ku caddeeyay in hay’adda keliya ee ay aqoonsan yihiin ay tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Axmed Xasan Wataac, xilli uu jiro khilaaf la xiriira maamulka cayaaraha dalka.
Ururka Olombikada Adduunka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya uu qeyb ka yahay iskudayo lagu carqaladeynayo habsami-u-socodka Cayaaraha Soomaaliyeed, kaas oo ka dhashay abuurista kooxo ka baxsan hannaanka sharciga ah oo la rabo in lagu afgambiyo Maamulka la aqoonsan yahay ee Olombikada Soomaaliyeed.
Warqadda ayaa lagu sheegay in ay walaac ka qabaan faragelin lagu sheegay inay saameyn ku yeelan karto habsami u socodka cayaaraha Soomaaliya, iyadoo la tilmaamay in ay jiraan isku dayo lagu abuurayo qaabab ka baxsan nidaamka sharciga ah.
Ururka Olombikada Adduunka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee khuseeya in la dhowro sharciga iyo madaxbannaanida hay’adaha cayaaraha, si loo ilaaliyo horumarka isboortiga.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed dib ugu laabteen xaruntooda, kadib muran la xiriiray cidda maamulaysa howlaha cayaaraha.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in khilaafkan uu sababay muran ballaaran oo ku saabsan maamulka iyo hannaanka sharci ee lagu hago isboortiga dalka.




















