• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari
Share

Wararka24: Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa oggolaatay inay Mareykanka u furto saldhig ciidan oo dhanka cirka ah oo ku yaalla galbeedka dalkaas, tallaabadaas oo muujinaysa isbeddel ku yimid mowqifkeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Iiraan sida ay so warisay wkalada Iran international

Go’aankan ayaa yimid kadib wada hadallo heer sare ah oo dhexmaray saraakiil Mareykan ah iyo Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga Amiir Khalid bin Salman, kuwaas oo ku heshiiyay in la ballaariyo isticmaalka hawada iyo joogitaanka militariga Mareykanka.

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa sheegay in saldhigga cusub uu yahay kan Boqor Fahad ee magaalada Taif, kaas oo leh muhiimad istiraatiiji ah maadaama uu ka fog yahay halista weerarada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu galay toddobaadkiisii afaraad, isla markaana uu sii kordhayo cadaadiska amni ee ka jira gobolka Khaliijka.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in kumanaan ka tirsan ciidamada Mareykanka ay u socdaan Bariga Dhexe, iyadoo la xoojinayo awoodda milatari ee Washington ee gobolka.

Isbeddelka mowqifka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarro ay Iiraan ku qaaday gudaha dalkaasi iyo xarumo muhiim ah oo tamar, kuwaas oo kordhiyay walaaca amni.

Dalalka Khaliijka ayaa hore uga soo horjeeday in dhulkooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan, balse xaaladda cusub ayaa keentay in dib loo eego siyaasadaha amni iyo iskaashiga milatari.

Xiisadda gobolka ayaa weli taagan, iyadoo falanqeeyayaal ay sheegayaan in Sacuudiga uu isku dayayo inuu dheellitiro ka hortagga Iiraan iyo ka fogaanshaha dagaal toos ah oo baaxad leh.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.