
Muqdisho, Soomaaliya – Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo NISA ayaa gaaray guulo muhiim ah oo lagu jiro dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab,war saxaafadeed ay soo saartay NISA Ayaa u dhignaa sida tan…
Cïidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Cïidanka Xoogga Dalka oo
iskashanaya ayaa caawa howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku dileen ilaa 21 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka
tirsanaa Khawaarijta.
Howlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa
Cïidanka Qaranka ee howlgalka fullyay.
Hay’adda NISA, waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta, maddaama la xoojiyay howlgalka dalka looga sífeynayo haraadiga
Khawaarijta.
Howlgalkan Qorsheysan ee NISA:
- Ciidamada NISA iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa isku dubbariday weerar toos ah oo lagu qaaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaannada Shabeellaha Dhexe.
- Sida war-saxaafadeedka NISA uu sheegay, waxaa lagu dilay 21 xubnood oo ka mid ahaa dagaalyahanno iyo hoggaamiyayaal sare oo Al-Shabaab.
Saamaynta Howlgalka:
- Waxaa la gaarsiiyay burbur xooggan xarumaha ay Al-Shabaab ku lahayd deegaankas.
- Ma jirin khasaaro ciidan ama rayid ah ee soo gaadhay dowlada oo ka dhashay howlgalkan.
- Saraakiisha amniga waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga ciribtirida kooxda shabaab.
Dowladda oo sii xoojinaysa dagaalka:
Dowladda Federaalka ayaa sii xoojinaysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lawada howlgallo kala duwan oo lagu wiiqayo awoodda kooxda shabaab. Saraakiisha amniga sirdoonka qaranka iyo ciidanka xooga dalka waxay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan howlgallada kadhanka ah khawaarajiinta ilaa laga ciribtiro gabi ahaanba dalka,
Madax weynaha qaranka mudane xassan sheekh ayaa taagna furimaha dagaalka todobaalki lasoo dhaafay isagoo dhiirigalin iyo dardargalin ugu sugnaa furimaha dagaalka kahor inta uusan u anba bixin dalka turgiga halkaas oo uu casuumaad kahelay dhigiisa madax weynaha dalka turkiga.

Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah