Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan muddo xileedka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 19, 2026, 6:06 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan muddo xileedka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qeybgaleen xubno horey xilal sare uga soo qabtay dowladda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu sharci ahaan sii ahaan karin madaxweynaha dalka wixii ka dambeeyay 15-ka May, xilli ay mucaaradku ku doodayaan in uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee afarta sano.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dalka lagu maamulo sharci iyo nidaam, islamarkaana aan la aqbali karin in hay’adaha dowladda ay sii shaqeeyaan iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo mideysan. Wuxuu ku tilmaamay marxaladda hadda jirta mid halis ku ah xasilloonida iyo dowladnimada dalka. wuxuu kudaray in Madxweyne Xasan Sheekh uu lamid yahay Sheekh Shariif, ayna yihiin Madaxweynayaal hore oo dalka soo maray, sida uu ku dooday.

Khayre ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya aysan sidan oo kale u adkaan xilliyadii hore ee kala guurka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo midnimo si looga hortago khilaaf sii xoogeysan kara.

Dhankooda, xubnaha mucaaradka ayaa mar kale ku celiyay baaqooda ku aadan in la qabto wada-hadal qaran oo ay kasoo qeybgalaan dhammaan saamileyda siyaasadda dalka, si loo gaaro heshiis lagu wada qanacsan yahay oo ku saabsan doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay shan sano, kadib ansixinta dastuurka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dalka loo jihaynayo doorasho qof iyo cod ah oo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaadan doonaan.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

18 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

19 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.