• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia
Share

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan muddo xileedka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qeybgaleen xubno horey xilal sare uga soo qabtay dowladda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu sharci ahaan sii ahaan karin madaxweynaha dalka wixii ka dambeeyay 15-ka May, xilli ay mucaaradku ku doodayaan in uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee afarta sano.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dalka lagu maamulo sharci iyo nidaam, islamarkaana aan la aqbali karin in hay’adaha dowladda ay sii shaqeeyaan iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo mideysan. Wuxuu ku tilmaamay marxaladda hadda jirta mid halis ku ah xasilloonida iyo dowladnimada dalka. wuxuu kudaray in Madxweyne Xasan Sheekh uu lamid yahay Sheekh Shariif, ayna yihiin Madaxweynayaal hore oo dalka soo maray, sida uu ku dooday.

Khayre ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya aysan sidan oo kale u adkaan xilliyadii hore ee kala guurka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo midnimo si looga hortago khilaaf sii xoogeysan kara.

Dhankooda, xubnaha mucaaradka ayaa mar kale ku celiyay baaqooda ku aadan in la qabto wada-hadal qaran oo ay kasoo qeybgalaan dhammaan saamileyda siyaasadda dalka, si loo gaaro heshiis lagu wada qanacsan yahay oo ku saabsan doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay shan sano, kadib ansixinta dastuurka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dalka loo jihaynayo doorasho qof iyo cod ah oo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaadan doonaan.

DAAWO


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.