Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Safiirka cusub ee Somaliland oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Israel+sawiro

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa magaalada Qudus ku qaabilay safiirkii ugu horreeyay ee ay Somaliland u magacowdo dal dibadeed,Safiirka aya waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed u gudbiyay Madaxweynaha.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 19, 2026, 2:06 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Safiirka cusub ee Somaliland oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Israel+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa magaalada Qudus ku qaabilay safiirkii ugu horreeyay ee ay Somaliland u magacowdo dal dibadeed,Safiirka aya waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed u gudbiyay Madaxweynaha.

Safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa noqday ergaygii ugu sarreeyay ee maamulkaas u fadhiya Tel Aviv, iyadoo tallaabadan ay kusoo aadeyso xilli xiriirka u dhexeeya labada dhinac uu si weyn usoo xoogeysanayo. Madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay in iskaashiga cusub uu muhiim u yahay labada dhinac, isla markaana uu horseedi karo wada-shaqeyn dhinacyo badan leh.

Maxamed Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo Israa’iil uu yahay mid istiraatiiji ah, wuxuuna xusay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan arrimaha horumarinta, amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka shacabka. Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Somaliland ay uga mahadcelinayaan Israa’iil taageerada ay siisay maamulkaas.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa isna qaabilay safiirka cusub, isaga oo ugu hambalyeeyay munaasabadda 18-ka May ee Somaliland. Dowladda Israa’iil ayaa bishii lasoo dhaafay sidoo kale magacowday safiirkii ugu horreeyay ee u fadhiya Somaliland.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo siyaasadeed, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintan ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, inkasta oo xiriirka Israa’iil iyo Somaliland uu galay marxalad cusub oo diblomaasiyadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.