• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cirro oo sheegay in Somaliland gaartay heer aqoonsi oo caalami ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cirro oo sheegay in Somaliland gaartay heer aqoonsi oo caalami ah
Share

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda 18-ka May ku sheegay in Somaliland ay gaartay guul weyn oo dhanka aqoonsiga ah, xilli la xusayay sanad guurada 35-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni isu taagga.

Munaasabadda oo si weyn looga dabaaldegay magaalooyinka Somaliland ayaa Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in sanadkan uu yahay kii ugu horreeyay ee 18-ka May loo xuso iyadoo Somaliland ay tahay “Jamhuuriyad la aqoonsan yahay,” sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay in maamulka Somaliland uu kasoo baxay marxalado adag, islamarkaana uu dhisay nidaam dowladeed iyo hannaan dimuqraadi ah.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dowlad leh sharci, nabad iyo xuduudo la yaqaan, isaga oo xusay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xoojinayo qarannimada iyo horumarka maamulkaasi. Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Somaliland dal cusub oo kusoo biiray qowmiyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray Midowga Afrika iyo dowladaha qaaradda, isaga oo ugu baaqay inay ka fiirsadaan dhibaatooyinka ka dhasha isku haynta dalal aan wada shaqeyn karin. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika.

Dhanka kale, hadalka Cirro ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland la sameysaneyso dalal kala duwan, gaar ahaan xiriirka ay la leedahay Israel. Wararkaasi ayaa sii kordhiyay doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah.

Munaasabadda sanadkan ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay gudaha Somaliland, iyadoo kumannaan qof ay ka qeybgaleen dabaaldegyo, isu soo baxyo iyo bandhigyo lagu muujinayay taageerada maamulka iyo xuska 18-ka May.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.