
Wararka24: Markabka Turkiga, Oruç Reis oo haatan ka wada baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya, ayaa la kulmay caqabad weyn oo la xiriirta qashin lagu daadiyay badda, sida uu shaaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qashinkaasi caqabad ku noqday howlaha baarista, isla markaana warbixinaha ay heleen muujinayaan halis weyn oo arrintan ka dhalatay.



Qalabka kalluumaysiga ee badda lagu tuuray, sida shabaagaha, ayaa sababay dhibaato ballaaran. Ma aha qashin kiimiko ah sida aan hore uga caban jirnay, balse waa qalab kalluumaysi oo looga tegay badda markii ay maraakiibta shisheeye jalaabteen, ayuu yiri Madaxweynaha.
Wuxuu tilmaamay in maraakiibta kalluumaysiga ay kalluunka geyaan dekado caalami ah, balse qalabka ay isticmaalaan aysan la tegi karin maadaama uu mamnuuc ka yahay, taas beddelkeedana ay uga tagaan badaha Soomaaliya.
Dhibaato xooggan ayay nagu hayaan. Ma aha oo kaliya in khayraadkeenna la dhacayo, balse sidoo kale deegaanka iyo baddeenna ayay wax u dhimayaan,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha ayaa xusay in, inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga uu weli si habsami leh u socdo, si loo dardar-geliyo qorshaha ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya..
Trending News
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg




















