Wararka24: 17-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wadahadal miro-dhal ah khadka taleefanka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.
Labada hoggaamiye ayaa diiradda saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyagoo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar mowqifkeeda cad ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Qatar ay siiso Dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.


















