• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland oo beenisay wada-hadal la xiriira qaxootiga Falastiin

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Somaliland oo beenisay wada-hadal la xiriira qaxootiga Falastiin
Share

Wararka24: 17-02-2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa beeniyay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo sheegay in Somaliland iyo Israa’iil ay ka wada hadleen dib u dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in eedeyntaasi aysan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana Somaliland iyo Israa’iil ay horey u beeniyeen jiritaanka wada-hadal la xiriira arrimahaas.

Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay inuu keeno caddeymo muujinaya halka ay Somaliland iyo Israa’iil kaga wada hadleen qaxootiga Falastiin, isagoo tilmaamay in hadalkaasi u muuqdo mid siyaasadeed oo la xiriira khilaafka ka dhashay aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale beeniyay eedeynta ah in Somaliland ay Israa’iil kala heshiisay in saldhig milatari laga siiyo xeebaha Gacanka Cadmeed, wuxuuna sheegay in arrintaasi aanay jirin, isla markaana aan wax heshiis ah laga gaarin dhinacaas.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa horey u sheegay in arrimaha Falastiin aysan qayb ka ahayn wax wada-hadal ah oo dhex maray Israa’iil iyo Somaliland, taas oo sii xoojinaysa beeninta labada dhinac.

Wararka ku saabsan in dib u dejin loo samaynayo qaar kamid ah dadka reer Falastiin ee lagu geynayo Somaliland ayaa horey uga soo dhex muuqday baraha bulshada, kadib warbixinno ay baahiyeen wakaaladaha Reuters iyo AP oo xusayay qorshayaal la xiriira in dad Falastiiniyiin ah loo raro dalal kale.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.