Wararka24: 7-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Madaxweynaha ayaa magaalada Arusha uga qayb galaya meertada 25-aad ee Shir Madaxeedka Madaxda Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo ay ka qayb galayaan madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka.
Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka dalalka Bariga Afrika.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah madaxda dalalka gobolka ee ka qayb galaya shirka.
Shir madaxeedka sanadkan ayaa lagu falanqeynayaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga, xoojinta iskaashiga amniga, iyo kobcinta xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika.























