• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Macalin Mahdi: Qalqalgelinta amniga ma aqbalayno, qof walba waa lala xisaabtamayaa, xabsi madow ayuu galayaa!

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
Ciidamada Amniga
Share

Macalin Mahdi
Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Macalin Mahdi Cumar Muumin

Muqdisho (Wararka24) – Ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus u diray dadka wax ku qora baraha bulshada ee lagu tuhunsan yahay inay si dadban ula shaqeynayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyagoo faafinaya warar lagu qalqalgelinayo amniga caasimadda Muqdisho, Macalin Mahdi.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali doonin in qofna uu bartiisa bulshada ka dhigo goob lagu taageero ama lagu faafiyo warar been abuur ah oo ka faa’iideynaya kooxaha argagixisada.

“Cid laga aqbalayo ma jirto inay barrahooda bulshada ku soo qorto been abuur ay ku saacideyso Khawaarijta. Marnaba ma aqbalayno!” ayuu yiri taliyaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falkaasi lagu helo.

Macalin Mahdi ayaa xusay in aysan indhaha ka laaban doonin dadka wax ku qora baraha bulshada ee shacabka qalqalgelinaya.

“Wiil Xamar jooga oo hotel dhex fadhiya oo wax macno lahayn qoraya si uu shacabka caasimadda ugu argagixiyo, arrintaasi lagama yeelayo! Asaga hadda dhiig kama socdee, dhididaa ka keenaynaa, qol mugdi ah ayaan ku xiraynaa!” ayuu yiri taliyaha, isagoo hadalkaasi ka jeediyay kulan afur wadareed ah oo xalay lagu qabtay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Garab Istaagay Macalin Mahdi

Macalin Mahdi
Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh),

Guddoomiyaha Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo isna ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in aysan dooneyn in cidna afka u furto Al Shabaab, isagoo bulshada uga digay inay faafiyaan warar ay wax ku qalqalgelinayaan.

“Waxaan xoojinayaa warka Taliyaha Qaybta Guud, oo uu lahaa ammaanka ciyaar ciyaar ma galo. Maamulka Gobolka Banaadir, laamaha amniga iyo shacabka dhammaantayo waxaan u taaganahay horumarka, ammaanka iyo dowladnimada Muqdisho.”

Yabooh ayaa shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo sheegay in Al Shabaab ay yihiin cadowga nabadda.

Digniintan ayaa timid saacado un kadib markii Golaha Wasiirada ay soo saareen go’aamo adag oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab. Golaha ayaa shacabka uga digay inaysan la macaamilin kooxaha argagixisada, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin, si aysan waxyeello ugu geysan duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo xarumaha argagixisada.

Ciidamada Amniga ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula socdaan dadka faafinaya wararka been abuurka ah, iyagoo uga digay in ay wajihi doonaan ciqaab culus.

Digniintaan ayaa timid markii 2dii bishaan marso Laxiray Weriye Cali Aadan Muumin, oo ka mid ah suxufiyiinta si weyn looga yaqaan caasimadda Muqdisho, Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wariyaha loo haysto eedeymo la xiriira amni-darro iyo hadalo aflagaado ah oo uu mas’uuliyiinta DF Ku aflagaadeeyey.

Cali aadan ayaa hada lasoo daayey kana mid ahaa dhalinyaradi xali kasoo qeyb galey afurki kadhacay degmada hodan, Ee ay masuulIyiinta Ciidamada Amniga ugu hadleen Amniga caasimada Muqdisho iyo guud ahaan dalka….


Share
Tags: banadircaasimadda MuqdishoCiidamada Amnigawararka somalia
Previous Post

Faransiiska Macron Oo Ka Digay Khatar Weyn,Yurub Waa Inay Is Difaacdo, Ruushkuna Waa Halis Weyn oo Soo Socota.

Next Post

Ciribtirka Daacish Intu maraya: Kadib Toddobaadkii labaad Marki uu Md DENI Ku Dhawaqay Wejiga saddexaad ee hawlgalka

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Mucaaradka

Mucaaradka Oo Cadaadis Siyaasadeed Kala Kulmaya Beesha Caalamka.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda UK, ayaa cadaadis siyaasadeed saaray isbahaysiga...

Load More
Next Post
Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan

Ciribtirka Daacish Intu maraya: Kadib Toddobaadkii labaad Marki uu Md DENI Ku Dhawaqay Wejiga saddexaad ee hawlgalka

diblomaasi Soomaaliyeed

Diblomaasi Soomaaliyeed Oo Ku xiran xabsiga ku yaal Cloverhill ee Ireland + SABABTA?

Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis Weyn Kuhaayo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka?

Recommended

Gobolka Shabellaha Dhexe

Gobolka Shabellaha Dhexe, Al Shabaab oo La Wareegtay Degmada Ceelbaraf..

11 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Cadaadis Cusub Saaray Netanyahu + SABABTA

8 months ago
Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Indhaha Ka Qarsaneysa Qorsheyaal Khatar ah oo Imaaraadku Ka Wado Gudaha Dalka

8 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

8 months ago
Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed oo fariin udiray shacabka soomaliyeed Kadib weerarki al-shabaab ee baledweyne?

11 months ago
Soomaaliya

DW: Soomaaliya Oo Ka Fikiraysa Tallaabo Militari Oo Ka Dhan Ah Gooni-goosadka?

2 weeks ago
Sanbaloolshe

Agaasimaha NISA Sanbaloolshe oo Muqdisho ku Soo Laabtay iyo Kulan Muhiim ah, Faahfahin?

8 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.