Wararka24: Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Ruushka, Maxamed Abuukar Subeer, ayaa kulan dooceed la yeeshay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, xilli ay socotay madasha caalamiga ah ee gaadiidka iyo saadka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha badda iyo hirgelinta is afgaradyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.
Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda hay’adda IMO ee la xiriirta ilaalinta deegaanka iyo yareynta qiiqa ka dhasha gaadiidka badda.
Wafdiga Sacuudiga ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo saadka, kuwaas oo la falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya iyo horumarinta kaabeyaasha badda.





















