Wararka24: Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhex qarxay Aqalka Cad, iyadoo la-taliyeyaasha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay si weyn isugu khilaafsan yihiin jihada iyo mustaqbalka dagaalka ka socda Iiraan.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegtay in saddex garab oo kala duwan ay ku loolamayaan saameynta go’aan-qaadashada madaxweynaha, taasoo keentay in Trump uu soo saaro hadallo is-burinaya oo ku saabsan sida uu u arko xaaladda dagaalka.
Garabka koowaad oo ka kooban qaar ka mid ah la-taliyeyaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda Aqalka Cad ayaa ka digaya in sare u kaca qiimaha shidaalka uu si toos ah u dhaawici karo taageerada shacabka ee dagaalka. Kooxdan ayaa ku talinaysa in hawlgallada milateri lagu soo afjaro si looga fogaado saameyn siyaasadeed oo ballaaran.
Dhanka kale, siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ay ku jiraan senatarro saameyn leh ayaa ku cadaadinaya maamulka Trump in la sii wado weerarada ka dhanka ah Iiraan, si loo wiiqo awooddeeda milateri iyo barnaamijyada hubka.
Garabka saddexaad oo ay ku jiraan qaar ka mid ah taageerayaasha ugu dhow ee Trump ayaa iyaguna uga digaya in Mareykanka uu ku lug yeesho dagaal muddo dheer socon kara, kaas oo saameyn ku yeelan kara dhaqaalaha iyo siyaasadda gudaha.
Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa dhankeeda ku tilmaantay wararka ku saabsan khilaafka gudaha “mala-awaal iyo warar aan xaqiiq ahayn,” iyadoo sheegtay in madaxweynuhu yahay go’aan-qaataha ugu dambeeya ee arrimaha siyaasadda iyo milatariga.
Xiisadda siyaasadeed ee Aqalka Cad ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu sii saameynayo suuqyada caalamka, gaar ahaan ganacsiga shidaalka iyo marinnada muhiimka ah ee badda.

















