Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xiisad ka taagan Boosaaso kadib gadood ay sameeyeen ciidamo Puntland

Xiisad ayaa maanta laga soo sheegay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay bilaabeen gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan iyo daryeel ay sheegeen inuu ka maqan yahay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 14, 2026, 5:42 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xiisad ka taagan Boosaaso kadib gadood ay sameeyeen ciidamo Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xiisad ayaa maanta laga soo sheegay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay bilaabeen gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan iyo daryeel ay sheegeen inuu ka maqan yahay.

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka qayb qaatay howlgalka Calmiskaad ee lagula dagaalamayay kooxda Daacish ay xirteen afaafka hore ee magaalada, isla markaana ay fariisimo ka sameysteen meelaha laga soo galo Boosaaso.

Xaaladda ayaa sii kacsanayd markii ay goobta gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland, kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay in ay ciidamadii gadoodka sameeyay ka qaadaan waddada si dib loogu furo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Saraakiil ka tirsan ciidamada gadoodka wada ayaa ugu baaqay madaxda Dowlad-goboleedka Puntland inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintooda, iyagoo sheegay in cabashadooda ku saabsan mushaarka iyo xuquuqdooda ay soo noq-noqotay.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu dejinayo xaaladda, isla markaana lagu qancinayo ciidamada inay ku laabtaan xeryahooda iyadoo xal loo raadinayo tabashada ay qabaan.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin madaxda sare ee Puntland oo ku saabsan gadoodka ciidamada iyo xiisadda laga dareemayo magaalada Boosaaso.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Madaxtooyada oo sheegtay diib u dhaca so gaaray xassan sheekh

Madaxtooyada oo sheegtay diib u dhaca so gaaray xassan sheekh

4 hours ago
Sanbaloolshe oo saddex arrin ku dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh

Sanbaloolshe oo saddex arrin ku dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh

4 hours ago
Axmed Madoobe oo magacabay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland

Axmed Madoobe oo magacabay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland

4 hours ago
Kenya oo taageertay qorshe lagu kordhinayo maalgelinta Midowga Afrika

Kenya oo taageertay qorshe lagu kordhinayo maalgelinta Midowga Afrika

9 hours ago
Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

9 hours ago
Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

9 hours ago
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

9 hours ago
Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

9 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.