• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta
Share

Wararka24: Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso ciidamada ammaanka ee ka howlgala deegaannada ku teedsan xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii ay soo bateen weerarro ay mas’uuliyaddooda sheegatay kooxda Al-Shabaab. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada Nairobi ay ku xoojinayso amniga gobollada xuduudda.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ciidamada dheeraadka ah ayaa isugu jiri doona boolis iyo cutubyo kale oo amni. Ciidamadan ayaa loo daabulayaa deegaannada loo arko inay khatar amni ka jirto, si loo adkeeyo sugidda nabadgelyada loona kordhiyo joogitaanka ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay fulin doonaan howlgallo baaritaan iyo roondooyin joogto ah oo laga sameynayo deegaannada lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Dowladda Kenya ayaa aaminsan in deegaannadaasi ay kooxda u adeegsato abaabulka weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Sidoo kale, ilo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne William Ruto loo gudbiyay qorsheyaal cusub oo lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo ka hortagga weerarrada Al-Shabaab iyo sare u qaadidda awoodda ciidamada ka howlgala gobollada xuduudda.

Qorshayaashan ayaa kusoo beegmaya xilli Kenya ay wajahaysay weerarro amni oo soo noqnoqday, kuwaas oo inta badan ka dhacay gobollada waqooyi-bari ee dalka, gaar ahaan meelaha ku dhow xadka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Maalmo ka hor, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo ka dhacay ismaamulka Mandheera. Dowladda Kenya ayaan weli shaacin in la qabtay cid lala xiriirinayo weerarkaas, inkastoo howlgal ballaaran oo amni la sameeyay kaddib dhacdada.

Kenya ayaa muddo dheer ka waday howlgallo amni gudaha dalkeeda iyo Soomaaliya oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo dowladda Nairobi ay marar badan ku celcelisay inay sii xoojin doonto tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga xuduudaha iyo ka hortagga weerarrada ay kooxdu ka fuliso gudaha dalka.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.