• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

8 Askari oo ka tirsan ciidanka Puntland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay Gobolka Bari

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
8 Askari oo ka tirsan ciidanka Puntland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay Gobolka Bari
Share

Wararka24: Ugu yaraan siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka. Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada, waxaana la sheegay in inta badan askartii saarneyd ay ku dhinteen goobta.

‎‎Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya inay jiraan askar kale oo ku dhaawacmay qaraxa. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland weli si rasmi ah uma shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu weerarku u dhacay.‎‎

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Boosaaso uu ka socdo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo saraakiil ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kuwaas oo ka wada hadlaya xaaladda amniga Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada.‎‎

Sidoo kale, Maraykanka ayaa dhawaan hakiyay duqeymihii uu ka fulin jiray fariisimaha kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad. Isla markaana, qulqulatooyinka ciidan ee ka jira Puntland ayaa la sheegay inay saameyn ku yeesheen howlgaladii ka dhanka ahaa kooxda, oo weli ku sugan qaybo ka mid ah buurahaas.‎‎

Maalmihii u dambeeyay Puntland ayaa sidoo kale ciidamo ka soo daadgureysay furimaha dagaalka, si ay uga qeyb qaataan munaasabaddii 28-guurada aas-aaska Puntland, taas oo ku beegnayd maalintii shalay.

‎‎Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana la filayaa in maamulka Puntland uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo marka ay soo gebagebowdo baaritaanka dhacdada.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.