Wararka24: 29-01-2026:Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen kayd qaraxyo ah oo ay kooxda Al-Shabaab si qarsoodi ah ugu diyaarsatay.
Howlgalka ayaa yimid kaddib xog sirdoon oo la helay, taas oo muujisay in walxo qarxa iyo miinooyin lagu keydiyay goob ku taalla duleedka Jabad-Godane. Ciidamada ayaa si taxaddar leh u baaray aagga, iyaga oo ka soo saaray miinooyin iyo walxo qarxa oo ku jiray god si qarsoodi ah loo diyaariyay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagu burburinayo awoodda farsamo ee Al-Shabaab.
“Howlgalkan wuxuu ka dhashay xog sirdoon oo sugan, waxaana lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo walxo qarxa oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga deegaanka, isla markaana ay bilaabeen tallaabooyin lagu burburinayo kaydka miinooyinka si waafaqsan habraacyada amniga, si looga hortago khatar kasta oo mustaqbalka iman karta.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo dhawaan ka dhacay Jabad-Godane lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare weyn, halkaas oo kooxda laga saaray deegaanno ay horey u joogtay. Sidoo kale, maalmahan dambe waxaa laga hortagay weerarro ay kooxda ka abaabuleysay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-gallada noocan ah ay sii socon doonaan, iyadoo ujeedadu tahay sugidda amniga guud, burburinta kaydadka qaraxyada, iyo yareynta halista ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka.




















