Wararka24: 31-01-2026:Jeneraal Elio Manes ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee hawlgalka.
Jeneraal Manes ayaa xilka kala wareegay Jeneraal Sofia Westermark, iyadoo xil-wareejinta loo fuliyay si waafaqsan habraacyada rasmiga ah ee hawlgalka, si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqada iyo xasilloonida howlaha EUTM-S.
Xil-wareejintan ayaa muujinaysa ballan-qaadka joogtada ah ee Midowga Yurub uu u hayo taageeridda hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, hagista, iyo dhisidda awoodda ciidanka.
Jeneraal Elio Manes ayaa billaabaya waajibaadkiisa cusub isaga oo diiradda saaraya xoojinta barnaamijyada tababarka ee jira, ballaarinta taageerada farsamo, iyo la jaanqaadidda baahiyaha hay’adaha ammaanka Soomaaliyeed, si kor loogu qaado awooddooda qorshayn iyo fulinta hawlgallada amni.
“Waa sharaf inaan hoggaamiyo EUTM-S xilli muhiim ah,” ayuu yiri Jeneraal Manes, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ujeeddada hawlgalka ay tahay in si dhow loola shaqeeyo saaxiibbada Soomaaliyeed, si ay iyagu u hoggaamiyaan dadaalladooda amni.
Hawlgalka EUTM-S, oo haatan ku jira mandate-kiisii sagaalaad, ayaa door muhiim ah ka qaata dhismaha Ciidamada Amniga Soomaaliya, iyadoo bixisa tababar, talooyin heer istaraatiiji ah, iyo dhisid awood oo lagu xoojinayo hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.


















