Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay bilaabeen howlgallo dhulka ah oo ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga Xisbullah ee koonfurta dalka Lubnaan.
Bayaan ay ciidamada Israa’iil ku baahiyeen baraha rasmiga ah ayaa lagu sheegay in howlgalka uu yahay mid “xaddidan” oo lagu bartilmaameedsanayo goobo ay ku tilmaameen kaabayaal militari oo ay leeyihiin Xisbullah.
IDF ayaa sheegtay in duqeymo hore looga fuliyay bartilmaameedyo kala duwan ka hor inta aysan ciidamadu gelin koonfurta Lubnaan, iyadoo ujeeddada howlgalka lagu sheegay xoojinta aagga difaaca iyo burburinta kaabayaasha militari ee kooxda.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howl-gallada ay ku bartilmaameedsanayaan Xisbullah, xilli xiisadda u dhexeysa labada dhinac ay sii kordheyso.
Xiisadda xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa marar badan kacsanaysay bilihii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayeen duqeymo iyo weerarro kala duwan.


















