Wararka24: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Iiraan ayaa sheegay in dowladda Tehran ay lacag gaareysa laba milyan oo doolar ka qaaddo maraakiibta qaarkood ee mara marinka Hormuz, xilli ay xiisaddu ka taagan tahay gobolka.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Alaeddin Boroujerdi ayaa sheegay in tallaabadan ay la xiriirto xaaladda dagaal ee jirta, isagoo xusay in dowladda ay hirgelisay nidaam cusub oo ku saabsan marinka.
Warbixintan weli si madax banaan looma xaqiijin, balse waxay kusoo aadeysa xilli Iiraan ay xirtay ama xaddiday marinka Hormuz kadib weerarro ay ku qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Marinka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka ee caalamka, waxaana la qiyaasaa in ku dhowaad 20 boqolkiiba shidaalka adduunka uu ka gudbo halkaasi.
Marinkan oo isku xira Gacanka iyo Badda Carabta ayaa leh muhiimad istiraatiiji ah, iyadoo maraakiibta waaweyn ay maraan marin ciriiri ah oo xaddidan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarro iyo khataro amni ay ka jiraan aagga, taasoo keentay in qiimaha shidaalka caalamka uu sare u kaco.
Xaaladda marinka Hormuz ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo saameyn weyn ku yeelan karta suuqyada tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.


















