• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiil sare u dirtay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo sii xoojineysa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Koonfur Galbeed.

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdixakiin Siciid Ceeldheer ayaa gaaray Baraawe, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay kadib markii ay horey u tageen ciidamo ka tirsan Haramcad.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in safarka taliyaha uu la xiriira dardargelinta howlaha amniga iyo xoojinta howlgalada ka socda gobolka.

Taliyaha ayaa kormeer ku tagay xarunta cusub ee ciidanka Haramcad ee Baraawe, isagoo kulan la qaatay saraakiisha iyo cutubyada halkaasi ku sugan.

Intii uu halkaasi joogay, wuxuu salaan ka qaatay ciidamo, wuxuuna ku adkeeyay feejignaan joogto ah iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo amniga magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Ciidamadan ayaa horay loo geeyay Baraawe, kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay ka baxeen magaalada, iyadoo warar ay sheegayaan in qaar ka mid ah ay u dhaqaaqeen dhinaca Kismaayo.

Xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa sii kacsan, iyadoo labada dhinac ay wadaan dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo laga cabsi qabo inay horseedaan isku dhacyo hor leh.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.