Wararka25: 23-02-2026 Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Axaddii sameeyay isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka guutooyinka Kumaandooska Gorgor ee si gaar ah u tababaran, kuwaas oo Turkigu tababaray.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaasha afarta guuto ee Gorgor, isaga oo soo magacaabay hoggaan cusub.
Guutada 17-aad waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xuseen Moolif, halka xilka laga qaaday Gaashaanle Dhexe Mahad Khaliif Nageeye, Guutada 18-aad waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Faarax oo beddelay Gaashaanle Maxamed Cumar Anwar.
Sidoo kale, Guutada 19-aad waxaa loo magacaabay Gaashaanle Cabdullaahi Galmadoobe, iyadoo xilka laga qaaday Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Cosoble, halka Guutada 20-aad loo magacaabay Katan Taajudiin oo beddelay Gaashaanle Dhexe Maxamed Sheekh.
Isbeddelkan ayaa yimid kaddib soo jeedin ka timid Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, waxaana taliyeyaasha cusub lagu amray inay si degdeg ah ula wareegaan xilalka, isla markaana dardargeliyaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Tani waa tallaabadii ugu horreysay ee uu qaado taliyaha cusub tan iyo markii uu xilka kala wareegay Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.


















