Wararka24: 10-02-2026 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii qorsheynta iyo doodaha, isla markaana hadda loo gudbay dhisidda nidaamyo wax ku ool ah oo lagu maareeyo masiibooyinka.
Guddoomiyaha oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu si joogto ah ula tacaalo abaaro, colaado iyo saameynta isbeddelka cimilada, taas oo ka dhigaysa mid muhiim ah in la xoojiyo nidaamyada gurmadka.
Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa tilmaamay in Siyaasadda Cusub ee Maareynta Masiibooyinka Qaranka ay si rasmi ah u aqoonsatay Nidaamka Badbaadada Bulshada ee ka jawaabista Masiibooyinka (SRSP) inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah gurmadka qaranka.
Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay hay’adaha FCDO ee UK iyo WFP taageerada ay ka geysteen dhisidda nidaamkaasi oo lagu xoojinayo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay saaxiibada caalamka in taageerada ay bixiyaan lagu shubo Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka (National DRM Fund) si loo xoojiyo awoodda dowladda ee ka jawaabista xaaladaha bini’aadannimo.





















