Wararka24: 5-02-2026 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ku ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal la sheegay inay muhiim u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo maamulka dowliga ah.
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Wasiirrada, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay dhowr heshiis oo ay Soomaaliya la gashay dalal iyo hay’ado caalami ah.
Heshiisyada la ansixiyay waxaa ka mid ah heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka baasaboorka diblumaasiga, iyo heshiis kale oo Soomaaliya iyo Ruushka ay ka gaareen iskaashi dhinaca caafimaadka ah.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Spain oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo heshiis lala galay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka (IAEA) oo la xiriira hirgelinta dammaanadaha ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.
Waxaa kaloo la ansixiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada iyo maandooriyeyaasha ee la saxiixay sanadkii 1988, iyo siyaasadda maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay in laba mas’uul oo kala ah Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan loo dalacsiiyo darajada safiirnimo, inkasta oo aan weli la shaacin dalalka ay ka howl geli doonaan.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo la xiriira amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, howlgalada ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno hor leh, iyo dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada dowladda.























