Wararka24: 29-01-2026:Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo go’aan ku gaaray in xilkii laga qaado Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Sida lagu sheegay wararka la helay, Golaha Wasiirrada ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka u magacaabay Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed, oo ah sarkaal da’yar kana mid ahaa hoggaanka sare ee ciidamada.
Taliyaha cusub ayaa hore u hayay mas’uuliyadda qeybta taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana lagu tilmaamay sarkaal tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga, lehna waayo-aragnimo dhanka hoggaaminta iyo howlgalada militari.
Isbeddelkan ayaa yimid kadib soo jeedin rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada intii uu shirku socday.
Golaha Wasiirrada ayaa uga mahadceliyay Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage muddadii uu xilka hayay iyo dadaalkii uu geliyay hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka, iyaga oo taliyaha cusub faray inuu dardar geliyo howlgalada xoreynta, tayeynta ciidanka iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in isbeddello kale oo dhanka hoggaanka ah la filayo, kuwaas oo gaari kara ku-xigeennada taliska iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, isla markaana ay jirto xiisad siyaasadeed oo weli taagan.



















