New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday soo jeedin ay hor dhigeen Ruushka iyo Shiinaha oo ahayd in lix bilood dib loo dhigo cunaqabateynta dib loogu soo celinayo Iran.
Cod loo qaaday soo jeedintaas ayaa waxaa diiday sagaal dal oo kala ah Mareykanka, Soomaaliya, Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Giriigga, Panama, Sierra Leone iyo Slovenia. Dhanka kale, afar dal ayaa oggolaaday, kuwaas oo kala ah Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Aljeeriya, halka laba dal – Guyana iyo Koonfurta Kuuriya – ay ka aamuseen.
Go’aanka ka soo baxay codkan ayaa ka dhigan in Iran dib loogu soo celin karo cunaqabateyntii adagayd ee saarnayd ka hor heshiiskii 2015, cunaqabateyn ay hore u saareen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka, taas oo xaddidaysay dhaqaalaha iyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.
Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa doonaya in cunaqabateynta dib loo soo celiyo sababtoo ah Iran ayaa jebisay heshiiskii nukliyeerka waa sida ay Ku Andacoonayaane.
Qaraarkaan ay Soo jeediyeen Saaxiibada Iran dalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa la filayaa inuu Meelmar Noqon waayo sababtoo ah dalalka reer Galbeedka Ayaa ka soo horjeeda.
Sida ay u badantahay Hadii Qaraarkaan Guulaysan waayo . cunaqabateynta Iran waxay dhaqan galeysaa manta oo Sabtida ah , taas oo ka dhigan xayiraad Dhinacyada hubka’ hantida iyo safarka oo la saaray Maamulka e Iran
Tehran Ayaa dhinaca kale ku hanjabtay in haddii la soo celiyo Cunaqabataynta ka dhanka ah, ay joojin doonto wada shaqeynta Hayada atoomikada Aduunka ee IAEA.