• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?
Share

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii yeeshay fadhi muhiim ah oo looga dooday mustaqbalka cunaqabateynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo ay ka qeeb galeen 15 xubnood oo ah dowlaha codeynayey oo ay Soomaaliya kujirto.

 

Intii lagu guda jiray codeynta, sagaal dal oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa diiday in la qaado cunaqabateynta, taasoo ka dhigan in go’aankii dib loogu fasaxayay Iran uu fashilmay.

 

Dalalka diiday waxaa ka mid ahaa Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Giriiga, Sierra Leone, Panama, Slovenia iyo Soomaaliya. Go’aankan ayaa loo arkay mid muujinaya mowqif mideysan oo ay la qaateen quwadaha reer Galbeedka iyo dalal kale oo xubno ku ah Golaha Ammaanka.

 

Dhanka kale, afar dal ayaa u codeeyay in la qaado cunaqabateynta, kuwaas oo kala ahaa Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Aljeeriya. Saddexda xubnood ee soo harayna way ka aamuseen.

 

Ruushka iyo Shiinaha oo ah laba ka mid ah xubnaha joogtada ah ayaa si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan sii socoshada cadaadiska saaran Iran, iyagoo ku dooday in cunaqabateyntu aysan xal u keenin xiisadda barnaamijka nukliyeerka.

 

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda bariga dhexe iyo gaar ahaan arrimaha nukliyeerka Iran ay mar kale noqdeen mowduuc caalami ah. Soomaaliya, oo markii ugu horreysay la arkay inay qaadato mowqif cad oo dhinac ka raacsan quwadaha reer Galbeedka, ayaa si gaar ah loo xusay kadib codeynta.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.