• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shabellaha Hoose, Waxa manta qarax lagu dilay Taliye Jareere iyo Wararkii ugu Dambeeyay Manta

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
10 months ago
Reading Time: 3 mins read
Gobalka Shabellaha Hoose
Share

Gobalka Shabellaha Hoose

Wararka laga helay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saaka weerar culus ku qaadteen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daray in qaraxyo xoogan laga maqlay deegaannadaasi, ka hor inta aysan maleeshiyada weerar toos ah ku qaadin Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Subax ay xabaddu is qabsatay deegaannadaasi oo hoostaga Degmada Afgooye, welina uu dagaalku socdo.

Ciidanka Guutada 14-ka October oo lagu xoojiyay tiro ka mid ah Kumaandooska Gorgor ayaa degan Sabiid, waxayna iyaga iyo kuwa kale ee ku sugan Caanoole ay sameynayaan iska caabin ay dib isaga riixayaan colkaasi soo hujuumay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaad kale oo Al-Shabaab ka tirsan ay jidka u galeen ciidan gurmad ahaa oo ka yimid dhinaca Degmada Awdheegle.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in qarax lagu aasay waddada dhinaceeda uu qabsaday gaari Cabdi Bile ahaa, oo ay la socdeen ciidan uu hoggaaminayay Kabtan Maxamed Nuur (Jareere), Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee Guutada 14-ka October.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in Abaanduulaha iyo dhowr askari oo kale ay ku dhinteen qaraxaasi.\

Xaaladda deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobalka Shabellaha Hoose,

Xaaladda Sabiid iyo Caanoole ee Gobalka Shabellaha Hoose, ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoo welina ay xabaddu ka socoto.

Al-Shabaab waxay sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Sabiid, balse ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadooda.

Dadka deegaanka ayaa ku sheegay in dagaalka saaka ka socda Sabiid uu ka culus yahay midkii 1-dii bishii May ee sanadkii 2024 ka dhacay deegaankaasi, markaas oo Al-Shabaab ay weerareen.

Ujeeddada Al-Shabaab iyo dardargelinta dagaalka

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay Dowladda Federaalka aag dagaal kaga furaan Gobolka Shabellaha Hoose, si ay isaga qafiifiyaan cadaadiska militari ee ka haysto Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ahmiyad gaar ah siinaya hawlgalka Hirshabelle, ayaa waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socdo uu dib ugu laabto jiidaha hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay fiidkii ku laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib safar uu Talaadadii ku tegay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu gaaro Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: alshabaabwararka mantawararka somalia
Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Moqokori kulmo la qaatay Saraakiisha Ciidamada + Sawiro

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

Laascaanood

Caasimadda Daraawiishta ee Laascaanood Sawiro Quruxbadan Caawa laga qaaday iyo Udiyaargarowga Ciida

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala “Xalka Al-Shabaab waa in la dilo”

Recommended

India iyo Pakistan

India iyo Pakistan oo ku heshiiyay xabad joojin degdeg ah kaddib dagaal xooggan oo khasaaro gaystay

9 months ago
Abiy Ahmed

Abiy Ahmed oo ku Dhex Jira Dhibaato Cusub Kadib Heshiiskii Somaliland

7 months ago
Puntland

Puntland oo nin u dhashay turkiga gacanta kuso dhigtay..

3 months ago
Puntland

Puntland: Hada ayuu xalaal noqday!

6 months ago
Shariif sheekh

Shariif Sheekh Axmed oo si kulul u canbaareyey MD xasan Sheekh

5 months ago
Turkish Airlines

Turkish Airlines ayaa joojisay Duulimaadyadi Casimada Mogadisho + Sababta?

11 months ago
Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Weerar ka Fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug

11 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.