Wararka24: Hay’adda Dembi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI ayaa laamaha ammaanka ee gobolka California uga digtay suurtagalnimada weerar drones ah oo Iran ay aargoosi ahaan uga fulin karto Xeebta Galbeed ee Mareykanka.
Sida ay sheegtay shabakadda ABC News oo aragtay xog amni, digniintan ayaa tilmaamaysa in horraantii Febraayo 2026 la helay macluumaad muujinaya in Iran ay qorsheynaysay weerar lama filaan ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) oo laga soo qaado markab ku sugan xeebaha Mareykanka, iyadoo bartilmaameedku noqon karo goobo ku yaalla California.
Si kastaba, warbixinta ayaa sheegtay in aan weli la hayn faahfaahin cad oo ku saabsan waqtiga, qaabka weerarka, bartilmaameedka saxda ah ama cidda fulin karta qorshahaas.
Afhayeen u hadlay xafiiska FBI-da ee Los Angeles ayaa diiday inuu arrintan si faahfaahsan uga hadlo, halka Aqalka Cad uusan weli jawaab rasmi ah bixin.
Dhanka kale, saraakiisha ammaanka Mareykanka ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan adeegsiga sii kordhaya ee drones-ka ee ay isticmaalaan kooxaha daroogada ka ganacsada ee Mexico, kuwaas oo mararka qaar lagu tuhmo inay weeraro ku qaadi karaan ciidamada iyo laamaha ammaanka ee ku sugan xuduudda Mareykanka iyo Mexico.
Mas’uuliyiinta gobolka California ayaa sheegay inay kordhiyeen feejignaanta amniga, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha federaalka iyo kuwa maxalliga ah si loo ilaaliyo goobaha muhiimka ah iyo xarumaha bulshada.


















