Wararka24: 16-02-2026; Ilo xog-ogaal ah ayaa Galwaaq Media u xaqiijiyay in xalay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu booqasho ku tegay hoyga Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
Mahad Salaad ayaa Farmaajo u gudbiyay farriin uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ku aaddan codsi ah in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay aqbalaan in wada-hadallada lagu qabto xarunta Villa Soomaaliya.
Farmaajo ma uusan ballan-qaadin inuu si toos ah ugu qancin doono Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland arrintaas, balse wuxuu adkeeyay inuu dadaal dheeri ah ku bixin doono sidii uusan u fashilmin shirka siyaasadeed ee la qorsheynayo.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Mahad Salaad uu xiriir dhexdhexaadin ah ka dhex sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in Farmaajo uu Madaxweyne Xasan ka codsaday in marka uu Muqdisho ku soo laabto uu booqasho salaam ah ku tago Hotel Airport, si halkaas loogu furo wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu xiriir toos ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkastoo aan la helin faahfaahinta wada-hadalladaas oo ahaa kuwo u xiran mas’uuliyiinta.
Sidoo kale, saacadihii dambe ee xalay (qiyaastii 11:00 fiidnimo) waxaa kulan hoose yeeshay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray suurtagalnimada tallaabooyinka la qaadi karo haddii Madaxweyne Xasan Sheekh diido in wada-hadallada lagu qabto gudaha xerada Xalane.
Caqabadda ugu weyn ee hortaagan qabsoomidda shirka ayaa weli ah goobta lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeysanayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka mucaaradku dalbanayaan in lagu qabto Xalane.
Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli muran xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka, arrimo mucaaradku ku eedeeyaan in si hal dhinac ah loo wado.
























