• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay eedeysanayasha loo haysto ku xadgudubka calanka Mareykanka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay eedeysanayasha loo haysto  ku xadgudubka calanka Mareykanka
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar edheysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo muujinayay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.‎‎

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in falkaasi uu ka hor imaanayo anshaxa iyo qiyamka Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uusan matalin mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay xustay in dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay falkaasi gacanta lagu dhigay, isla markaana ay wajihi doonaan tallaabooyin waafaqsan sharciga.‎‎

Sida ay sheegtay wasaaraddu, dadka la soo bandhigay ayaa kala ah Cabdikhadar Mahad Cumar (22 jir), Maxamed Raage Xuseen (16 jir), Muudey Faysal Muudey (17 jir) iyo Maxamed Amiin Qaasim Muuse (15 jir). Dowladda ayaa intaas ku dartay inaan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawacaya sumcadda iyo sharafta ciidamada qalabka sida.‎‎

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in hay’adaha amniga ay sii wadi doonaan ilaalinta anshaxa ciidamada iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku kacda falal ka baxsan xeerarka ciidamada.‎‎

War-saxaafaddan ayaa daba socota bayaan hore oo ay dowladda Soomaaliya ku muujisay sida ay uga xun tahay dhacdada, iyadoo caddeysay inay qiimeynayso xiriirka iyo iskaashiga amni ee kala dhexeeya Mareykanka.

Dowladda ayaa sheegtay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaatay taageerada howlgalada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.