Wararka24: Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii wada howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo sheegay inay guulo ka gaareen weerarro lagu qaaday fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaankaas.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka laga fuliyay deegaanno kala duwan oo ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu beegsaday goobo ay Daacish u adeegsanaysay gabaad iyo saldhigyo ciidan.
Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada ayaa howlgalka ku dilay tiro ka tirsan dagaalyahannada iyo horjoogayaal ka tirsanaa Daacish, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray kooxda.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, rasaas iyo saanad ciidan oo ay kooxda adeegsanaysay, taas oo saraakiishu ku tilmaameen guul muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda Daacish ee gobolka.
Puntland waxay sheegtay in ciidamadu ay weli baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah buuraha Calmiskaad, iyadoo howlgaladu ay weli si joogto ah u socdaan.
Buuraleyda Calmiskaad, oo qayb ka ah silsiladda buuraha Golis ee gobolka Bari, ayaa muddooyinkii dambe ahayd fariisinka ugu weyn ee Daacish-ta Soomaaliya. Deegaankan oo leh buuro dhaadheer, godad iyo marinno adag ayaa kooxda u sahlay inay ka samaysato saldhigyo ay ka abaabusho dhaqdhaqaaqyadeeda.
Dowladda Puntland ayaa sannadihii u dambeeyay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo sheegtay in ujeeddada howlgaladu tahay ciribtirka haraadiga kooxda, sugidda amniga gobolka iyo ka hortagga isku day kasta oo ay kooxda ku ballaarinayso saameynteeda gudaha Puntland.


















